Skip County Header
Alameda County, CA, acgov.org
Larry Brooks
Director
Healthy Homes Department
Including the Lead Poisoning Prevention Program

social media icons

Soomaali




Ilaa 1991, Waaxda Guryaha Caafimaadka Qaba ee Degmada Alameda waxay u shaqaynaysay bulshada si ay meesha uga saarto wasakhda ledhka deegaanka, uga hortagto sunta ledhka ee carruurnimada hore oo loo hortmariyo natiijada lagaga jawaabayo mushkiladaha guryaynta. Waaxdu waxay bixisaa maamulida kiiska ee ledhka carruurta ku sumoobay, wacyi gelinta bulshada iyo waxbarashada, tobobarka, adeegyada yaraynta sunta ledhka, waxka qabadka guryayha caafimaadka qaba, iyo latalinta. Iyada oo la isticmaalayo deeqda, waxa aanu la shaqaysaa qandaraaslayaal shahaado haysta si aanu uga jawaabto waxyeelada ledhka ee guryaheena.


Sunta ledhka ama ku sumawga ledhka waxaa loola jeedaa inuu qofka soo gaadho ledh taas keenta xanuun oo u baahan daryeel caafimaad oo degdeg ah. Waxaa loo adeegsadaa in lagu sharaxo kiisaska marka ay jiraan dhawr saamayno caafimaad oo la xidhiidha heerarka ledhka dhiigga ee sare. Haddii heerarka ledhka dhiigga ay tahay 45 mikroogiraam halkii dhesilitir (μg/dL) ama wax ka badan, bixiyayaasha daryeelka caafimaadka ayaa ku talin kara dawo si gacanta looga gaysto ka saarida ledhka jidhka. Laakiin, carruurta aad ayay ugu nugul yihiin ledhka oo waxay ku sumoobaan heer yar oo waxa uu ku keeni karaa waxyeelo.

Xaalado badan ayaa saameeya dadka kala duwan jidhadhka dadka sida ay uga jawaabaan ledhka. Xaaladahan saamaynaya qofka waxaa kamid ah da'diisa, xaalada nafaqada, isha ledhka, xadiga ledhka jidhkiisa soo gaadhay, xaaladaha caafimaadka ee uu qofku hore u qabay, iyo mudada uu qofku joogay meesha qabta ledhka. Carruur badan oo ledhku asiibay ma qabaan wax calaamado ah oo muuqda. Dadka qaar uu soo gaadho, laakiin, waxay yeeshaan saamayn caafimaad oo keeni wax u baahan daawayn degdeg ah.

Heerna ledhka loo dhawaado ama ledhka ku jira jidhka ammaan uma aha carruurta. Xataa heerarka hoose ee ledhka ee mar loo arku jiray ammaanka ayaa lala xidhiidhay isbedel waxyeelo leh oo garaadka, habdhaqanka iyo caafimaadka ah. Carruurta waxay ku jiraan khatarta ugu badan maadaama oo weli jidhkoodu iyo maskaxdoodu korayso.

Isha: Xarumaha Xanuunka Xakamaynta iyo Kahortaga


Gurigaagu waxa uu yeelan karaa dhawr ilood oo ledh ah. Ilaha ugu caansan ee Degmada Alameda waxaa weeye ranjiga iyo ciida, laakiin ilaha kale ee aan aadka u caamka ahayn waxaa weeye kuwa soo socda:

  • Xawaashka Wax Lagu Karsado
  • Wax Beerista
  • Caruusadaha
  • Nacnaca
  • Waxyaabaha Guriga Lagu Sameeyo
  • Bilaydhada Dhoobada & Jalxadaha
  • Ilmaha Kale ee Aan Sidaa Caamka U Ahayn


Carruurta saboolka ah ee ku nool guryaha gaboobay ee magaalada ayaa khatarta ugu badan jira sunta ledhka maadaama oo ay badanaa ku jiraa guriga gudihisa oo aan si wanaagsan looga shaqaynin. Laakiin, carruurta dabaqada dhexe iyo sare kama madhna sunta ledhka oo waxay ku jiraan khatar badan oo ah sunta ledhka ah haddii dayactir aan ammaan ahayn ama dib u habayn mashruuc ah lagu sameeyo gurigooda gaboobay ee ay ku nool yihiin.


30 sano ee lasoo dhaafay, waxa aanu aragnay korodh tirada carruurta ee ku sumoobaya ledhka ee uu uga yimid ilo aan guriga ahayn sida dawo dhaqameed, cunto, ama waxyaabaha dalka dibadiisa laga soo dhoofiyo, iyo shayada loo adeegsado cunto karinta. Macluumaadka hoose waxa uu dul mar ku samaynayaa meelaha uu ka iman karo ledhku ee adiga iyo qoyskaagu kula xidhiidha.

Tozali Fact Sheet PDF


Qaabka kaliya ee lagu ogaan karo haddii ilmahaagu uu asiibay wax sun ledh ahi waxaa weeye inaad ka dalbato shaybaadh dhiigga oo ledh ah dhakhtarka ilmahaaga.

Badanaa malaha calaamad muuqda marka uu ilmahaaga uu asiibo ledhku. Sidaas darteed, shaybaadhka dhiigga ayaa ah qaabka ugu wanaagsan ee lagu ogaan karo haddii ilmahaaga uu asiibay ledhku. Haddii ilmahaagu uu asiibay ledhku, waxa aad kala hadashaa daryeelka caafimaad bixiyahaaga wixii ku saabsan shaybaadhka dhiigga ee ledhka. Natiijada shaybaadhka ledhka ee dhiigga iyada oo laga duulayo, daryeelka caafimaad bixiyahaagu waxa uu kugula talin karaa talaabooyinka iyo daryeelka la socodka.

Isha: Xarumaha Xanuunka Xakamaynta iyo Kahortaga


Qaabka ugu wanaagsan ee lagu ogaan karo haddii ay ka jirto waxyeelo ledh ah gurigaagu waxaa weeye inaad u yeedhato baadhe ledh oo shahaado hayta si uu gurigaaga uga eego. Qabo Hagahaaga Latalinta si aad uga hesho Bay Area.


Dalbo Deeqda Dayactirka Ranjiga Ledhka ee Bilaashka ah.

  • Deeqdeena Dayactirka Waxyeelada Ledhka dalbadayaasha loo ogolaaday waxaa la siiyaa baadhitaan bilaash ah, deeq ah ilaa $10,000 gurigii ah dayactirka waxyeelada ledhka ah, baadhitaan bilaash ah oo waxyeelada guryaynta caafimaadka ee kale oo loogu qalmi karo deeq dheeraad ah, iyo xirfadle lagugu qoro oo kaa siin doona kaalmo mashruuca la kordhiyay, iyo kormeerka mashruuca oo kaa caawin doonta in gurigaaga ama hantidaadu ammaan ka tahay ledhka. Deeqdan waxa heli kara mulkiilayaasha hantida la degan 1960 wixii ka horeeyay ee ku yaala Degmada Alameda ee u qalma. Guji halkan wixii macluumaad dheeraad ah.

Nadiifinta Guriga

  • Ilamaha markaa ay ka timaado sunta ledhku badanaa waa dhaska. Haddii aad leedahay rani ledh oo dhilmay ama ciid sumaysan, waxaa la socda waxoogaa ledhka dhaska gurigaaga. Shayga ugu horeysa ee la samaynaa waa in dhaska laga nadiifiyo guriga. Waa inay ka mid noqotaa aagaga masaxaada masaxan lagu nadiifiyo ee la iska dhaafi karo, sida gudaha iyo banaanka daaqadu meesha ay gasho. Xataa haddii aanad lahayn ranji dhilmay, waxa uu ku jiraa ledh wanaagsan deegaanka wixii dhas ah ee wareegaa uu keeni karo waxoogaa ledh ah. Si wanaagsan u maydh meelaha dushooda oo isticmaal sabuunta guriga oo wanaagsan. Roogaga, waxa aad iibsataa fakuyuumka HEPA. Heerarka HEPA ee Hawo Wareegga Waxku Oolka Sare ah. HEPA waxaa weeye filtar gaar ah oo xataa waxyaabaha yaryar ee dhaska ah qabta ee filtarada caadiga ah qabta.


Alameda County sealAlameda County © 2021 • All Rights Reserved • Legal / DisclaimersAccessibility